Nin ayaa isbitaal loo qaaday ka dib markii uu ku dhaawacmay toogasho ka dhacday magaalada Malmo kaasi oo dhimashadiisa la shaaciyay.
booliska ayaa helay afartii subaxnimo ee jimcaha dhowr warbixinood oo kala duwan. oo Ku saabsan in la maqlay rasaas xoog leh, oo looga shakisan yahay in nin lagu beegsaday.Xarunta Heleneholm ee Malmö
Afhayeenka booliska Philip Anas, ayaa sheegay inay jiraan marqaatiyaal badan oo ay booliisku ka maqleen dhacdadan.
Booliiska ayaa isku gadaamay goobta looga shakisan yahay in uu fal dambiyeedka ka dhacay si ay baaritaan farsamo ugu sameeyaan.
Weli ma cadda sida loo kala saari karo dhacdada, iyadoo aan hadda la hayn wax tuhmane ah, sida uu sheegay booliiska Malmö.
Muddo toddobaad gudihiis ah, saddex guri oo kala duwan oo Malmö ah ayaa la weeraray. Si kastaba ha ahaatee, ma cadda in dhacdada maanta waaberigii ku lug leedahay toogashooyin hore.