Home Wararka Caalamka tirada dadka ku dhintay duqeymaha iyo weerarada Israa’iil oo lasoo Saaray

tirada dadka ku dhintay duqeymaha iyo weerarada Israa’iil oo lasoo Saaray

0

In ka badan 25,000 oo qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay weerarada iyo duqeymaha Israa’iil ee Qasa sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.

Waxay sheegtay wasaaraddu in 178 qof ay geeriyoodeen 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, taas oo ka dhigeysa maalmihii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii uu dagaalku bilowday.

Iyadoo dagaalku sii socdo ayaa raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu waxaa uu ka horyimid qorshaha lagu abuurayo dowlad Falastiiniyiintu ay leeyihiin oo Israa’iil la siman six al loo gaaro .

Arrintaan waxaa soo jeediyay dhowr dal oo sheegay in ay u arkaan xal lagu joojin karo dagaalka iyo colaadda Qasa.

Weerarada iyo duqeymaha Israa’iil ayaa bilowday toddobadii Oktoobar kadib markii Xamaas ay weerar gantaallo loo adeegsaday ku qaadday Koonfurta Israa’iil kaas oo ay ku dhinteen 1,300 oo qof kuna afduubteen 240.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here