Codbixintan oo ay samaysay xarunta aan dawliga ahayn ee Levada, ayaa muujisay in boqolkiiba 83 dadka Ruushku ay taageersan yihiin Putin. Tani waa koror ka yimid 71 boqolkiiba bilowgii Febraayo.
Dadka la waraystay, 15 boqolkiiba waxa ay sheegeen in aanay taageersanayn Putin, halka 2 boqolkiiba ay sheegeen in aanay wax fikrad ah ka qabin arrintan.
Ra’yi ururin ay hore u daabaceen xarumaha taageerada ee Kremlin ayaa sidoo kale muujinaya taageerada Putin ee in ka badan 80 boqolkiiba.
Ruushka ayaa ku andacoonaya in duulaanka ay ku qaadeen dalka Ukrain uu ka dhashay xasuuq ka dhan ah dadka ku hadla afka Ruushka taasoo maalin walba laga sii daayo TV-ga qaranka ee Ruushka.
Isla markaana, warbaahinta madaxa-banaan ayaa lagu khasbay in la xidho ama la xayiro duullaankii lagu soo qaaday.
Waxa ay sidoo kale noqotay dambi in la daabaco macluumaad “been abuur ah” oo ku saabsan ciidamada qalabka sida ee Ruushka, waxaana la xiray baraha bulshada ee Facebook, Instagram iyo Twitter.