Saddex qof oo hor leh ayaa u geeriyoodey caabuqa korona dalka Sweden, sida uu qoray war geeyska Aftonbladet.
– Saddexdan qof ee geeriyooday oo horay ula il darnaa cudurro kale ayaa ka dhigaya lix qof tirada dadka illaa hadda Sweden ugu geeriyooday caabuqa covid-19, sida ay sheegtay Elin Lindström oo ka howl gasha laanta saxaafadda ee hoggaanka gobolka Stockholm oo war geeyska la hadashay.
– Guud ahaan shan qof ayaa illaa hadda gobolka Stockholm ugu geeriyoodey caabuqa corona, sida ay sheegtay Elin Lindström.
Saddexdan qof ayaa geeriyooday 24-kii saac ee la soo dhaafey, kuwaasina oo ku geeriyoodey cusbitallada Södersjukhuset, Danderyds sjukhus iyo Karolinska universitetssjukhuset oo dhaca xaafadda Huddinge.
Guud ahaan lix qof ayaa u geeriyoodey kolkii ey qaadeen fayruska corona dalka Sweden illaa hadda. Iyagoona illaa hadda ey fayruska qaadeen qiyaas gaarsiisan 1Â 000 qof, sida la caddeeyey.
Somaliska Stockholm