Wasiirka arrimaha dibadda Sweden Anne Linde ayaa ku boorisay muwaadiniinta Swedishka ah inaysan u safrin Ruushka sababo la xiriira xaaladda ammaan ee gobolka oo khatar ah oo lama filaan ah.
Tani waxay timid Qoraal ay soo dhigtay boggeeda xidhiidhka bulshada ee “Twitter” Wasiirada arimaha dibada , kaas oo ay ku jiraan bayaan lagu daabacay bogga dawladda Sweden oo lagula taliyay muwaadiniinta inaysan u safrin Ruushka ilaa amar dambe, iyada oo aan faahfaahin dheeraad ah laga helin.
Hawlgallada militari ee Ruushka, waxaa ku dhawaaqay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee dhulka Ukraine, kaasi oo galay todobaadkii labaad.
Sweden ayaa kamid ah Wadamada Yurub ee sida tooska saanad milatari ugu diray Dalka Ukraine.
Saanadii ugu horeesay ayaana shalay lagu dhawaaqay inay halkaasi gaartay iyadoo ay ku jiraan hubka nuuca taangiga ka hortaga.