Saadaasha Hay’adda Socdaalka ayaa lagu sheegay in dalka Iswiidan ay u muuqato in ay qaabili doonto tiradii ugu yareyd ee magangalyo doon ah tan iyo sanadkii 1997-kii.
Tirada Qaxootiga ayaa noqoneysa markii ugu horeysay muddo ka badan 50 sano ay Iswiidhan qaabishay tiro sidaasi u yar.
Wasiirada socdaalka Maria Malmer Stenergard ayaa shir jaraa’id oo ay qabatay Khamiistii maanta waxa ay kaga hadashay isbadalka socdaalka Sweden.
“Markii ugu horreysay muddo 50 sano ka badan oo Iswiidhan ay aragto tirooyin aad u yar ee dhanka socdaalka,” ayay tiri.
Dowlada Sweden ayaa isbadal ku sameesay Sharciyada Qaxootiga ee Wadanka taasi oo keentay in qaxooti badan iska dhiibaan wadamada kale ee yurub.
Wararka kale ee Maanta
AD