Home Wararka Caalamka Sweden oo ka hadashey Qaxootiga uga imaanaya Dalka Ukraine

Sweden oo ka hadashey Qaxootiga uga imaanaya Dalka Ukraine

0

Ra’iisul wasaaraha Sweden, Magdalena Andersson, ayaa tixgelisay in dagaalka Ukraine uu galay marxalad aad u fool xun.

Hadalka Andersson ayaa yimid ka dib kulankii maanta ee guddiga Midowga Yurub.

“Waxaan arkaynaa xadgudubyo aan loo meel dayin oo ka dhan ah dadka rayidka ah,” ayay tiri. Waxaa jirta mas’uuliyad aad u culus oo saaran Putin”. “Waxaan sii wadi doonaa inaan horay u sii wado mowqifka dowladda iyadoo cunaqabateyn adag la saarayo Ruushka iyo taageerada xooggan ee Ukraine,” Andersson ayaa ku tiri shir jaraa’id oo ay qabatay galabnimadii Arbacada maanta.

Inta uu socdo shirka Midowga Yurub, maalinta Jimcaha ah ee ka furmaya Faransiiska, Sweden waxay dooneysaa in ay ka soo saarto arrimaha socdaalka, sida ay sheegtay Ra’iisul Wasaaraha.

“Waxaa farxad weyn u ah in dalalka Midowga Yurub ee gobolka dariska ah ay saaran yihiin mas’uuliyad weyn,” ayay tiri.

Waxa ay ugu baaqday dalal badan oo Midowga Yurub in ay xil iska saaraan qaxootiga ka soo cararaya Ukraine.

“Waxaan rabnaa inaan ka fogaano sidii 2015-kii oo haddaan nahay Iswiidhan mas’uuliyad weyn isa saarno marka loo eego dalalka kale,” ayay tiri.

Dhanka iskaashiga Sweden iyo NATO, Andersson ayaa tilmaamtay in dowladdu ay sameyn doonto falanqayn ballaaran oo ku saabsan siyaasadda amniga.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here