Home Wararka Maanta Sweden oo Joojineysa Sharciga Deganaanshaha Rasmiga:- Hindise Cusub

Sweden oo Joojineysa Sharciga Deganaanshaha Rasmiga:- Hindise Cusub

0

Guddi baaritaan oo ay dowladdu magacowday ayaa damacsan in ay soo gudbiyaan hindise cusub oo ah in la joojiyo sharciga deggenaanshiyaha joogtada ah ee Sweden iyadoo loo badalayo degenaansho ku meel gaar ah, sida lagu sheegay xog ay daabacday idaacadda Ekot.

Soo jeedintu waxay khusaysaa qaybaha kala duwan ee deganeyaasha Iswiidhan, oo ay ku jiraan qaxootiga iyo dadka ku helay degenaanshaha iyada oo la raacayo “Sharciga Dugsiga Sare.”

Qorayaasha baaritaanka ayaa soo jeedinaya in la sameeyo sharci gaar ah oo qeexaya in sharciga degenaanshaha rasmiga ah si toos ah loogu badalo sharciyo ku meel gaar ah, ka dib codsiyada degenaanshaha waxaa loo tixgelin doonaa si waafaqsan sharciga ajaanibka, si la mid ah kuwa codsanaya sharciyo cusub.

Haddii shuruudahaas la fulin waayo, qaanuunka guud waa in qofka laga musaafuriyo dalka.

Qorayaasha warbixinta ayaa aaminsan in wax ka bedelkaani uusan ka hor imaaneyn waajibaadka caalamiga ah ee Sweden iyo dastuurka Sweden.

Qofka gaaray Dalbashada Dhalashada Wadanka ayaa laga reebay sharcigan isagoo si toos ah u dalban kara basaboorka ama Dhalashada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here