Home Wararka Maanta Sweden oo Dambi ka Dhigeysa Baritaanka Bikranimada (Hindise Cusub)

Sweden oo Dambi ka Dhigeysa Baritaanka Bikranimada (Hindise Cusub)

0

Dowladda Sweden oo taageero ka heleysa xisbiga Sverigedemokraterna (SD) ayaa ku dhawaaqday hindise sharciyeed ah in dembi laga dhigo baaritaanka bikranimada, bixinta shahaadooyinka la xiriira, iyo faragelin kasta oo jirka ah oo looga dan leeyahay in lagu xaqiijiyo bikranimada.

Soo jeedinta waxaa sidoo kale ku jira ciqaab adag oo la saarayo kuwa ku guuldareysta inay soo sheegaan ilmo ama guurka qasabka ah, oo ay ku jiraan martida arooska.

Soo jeedinta ayaa lagu sheegay in qofkii sameeya baaritaan ama qalliin uu muteysan karo xarig dhan hal sano, halka qofka bixiya shahaado bikranimada uu muteysan karo ganaax lacageed ama ilaa lix bilood oo xarig ah.

“Kuwani waa daldaloolo sharciga ku jira oo ay tahay in la xiro,” ayuu yiri wasiirka cadaaladda Gunnar Strömer oo shir jaraa’id qabtay  isagoo xusay in baaritaannada noocan oo kale ah aysan ku saleysneyn caafimaad, balse saameyntooda nafsiga ah iyo kuwa bulsho ee gabdhaha ay ku yeelan karaan halis

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here