Home News in English Stefan Löfven oo Xisbiga Liberalerna ugu baaqay in go’ankooda dib uga fakaraan

Stefan Löfven oo Xisbiga Liberalerna ugu baaqay in go’ankooda dib uga fakaraan

0
Foto: Wiktor Nummelin / TT

isago ku sugan Magaalada Brussels ee Dalka Belgiumka ayuu la hadlay warbaahinta TT waxana hadalkiisa ku soo qaatay labo qodob oo muhiim ah.

ugu horeyn shacabka Sweden ayuu u diray fariin ku aadan Fasaxa waxa loo yaqaano Midsommar oo ku beegan 26 june isagoo u rajeeyay Dadka reer sweden in xiligan ku qaataan si farxad ku dheehantahay.

Raisal Wasaaraha Sweden ayaa hadalkiisa waxa uu ku soo qaatay xaalada Siyaasada ee ka jirta wadanka waxana xisbiga Liberalerna ugu baaqay in ay ka fakaraan go’ankooda si loo helo xal labada dhinac ku qanacsanyihiin.

” ma jiro xal miiska saaran xalkana waa in aan hadalnaa oo aan waqti qaadano si aan ugu fogaano khilaafaad siyaasadeed ayuu yiri Stefan Löfven.

Raisal wasaaraha ayaa intaasi ku daray in maalinta isniinta uu heesto labo wado oo kala ah in uu iscasilo ama in doorasho dib loo galo lakin isniinta kahor uu jiro xal walbo iyo heshiis dhexmara xisbiyada.

Xaalada Siyaasada Sweden ayaanan cago badan ku taagneyd madama Hogaamiyaha Xisbiga Liberalka Nyamko Sabuni ay maanta waqti sii horeysay diiday wada-hadal dowlada ay la gasho waxana xaalada ay ku sii socotaa doorasho dalka ka dhacda.

nala Soco Waxa soo kordha

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here