Friday, August 22, 2025
Home Wararka Caalamka Spain oo lagu xiray Xubno ka tisan Kooxaha Gangiska Sweden

Spain oo lagu xiray Xubno ka tisan Kooxaha Gangiska Sweden

0
Photo/© Christine Olsson/TT

Wargeyska ayaa sheegay in howlgalkan uu ka dhashay wadashaqeyn dhexmartay booliska Spain iyo Sweden.

Lix xubnood oo ka tirsan koox dembiilayaal Swedish ah ayaa lagu xidhay dalka Spain, kuwaas oo looga shakisan yahay inay qorsheynayeen dil dalkaas ka dhaca, sida uu qoray wargeyska Expressen

Afar qof ayaa lagu xiray Marbella iyaga oo looga shakisan yahay in ay qorsheynayeen dil, haysashada hub sharci darro ah, iyo xubinnimada urur dambiilayaal.

Iyada oo qayb ka ah baaritaanka, booliisku waxay qabteen hub, taleefannada gacanta, iyo maasgarada wajiyada .

Nin dhalinyaro ah iyo mid kale oo aan qaangaarin ayaa la xiray horraantii bishii Luulyo ka dib markii ay Malaga kaga yimaadeen Göteborg.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here