Iyadoo ay sanad kasta dadka ajaanibta ah ee muddada dheer joogay dalka ay dalbadaan dhalashadda dalka, ayaa haddana waxaa aad kor ugu kacay tirada dadka gudbiyey dalbada muwaadinnimadda.
Laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee Migrationsverket waxaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in 64 000 (lixdan iyo afar kun) oo codsi ay soo gaareen, sidoo kale ay shantii bilood ee ugu horeeyey sanadkii hore soo gaareen 29 000 oo dalab, wadarna ay tirada guud ee laanta socdaalka u gudbisay dowladda ku noqdeen 77 000 (toddobo iyo toddobaatan kun) oo dalab sanadkii.
Muddada la sugo in jawaab lagu helo dalabka dhalashada Iswiidhan ayaa kor u kacda, sidoo kalena ay kiisaska caadiga ahi qaataan inta u dhexeeysa sannad illaa iyo sannad iyo bar. Qiyaastii 25% dalabyada la soo gudbiyo ayaa ah kuwo dhammeeys-tiran oo go’aan laga gaari karo, go’aankooduna yahay kuwo ka dhakhsiyo badan inta u dhexeeysa bil illaa iyo shan bilood ee jawaabta diidmadda ama ogolaanshaha.
Qowmiyadaha dalbaday dhalashada sanadkii 2016-da
1.Soomaaliya
2.Suuriya
3.Aan laheeyn cadeeyn ama waxa loo yaqaano (Statslösa)
4.Ciraaq
5.Afgaanistaan
Qowmiyadaha dalbaday dhalashada sanadkii 2015-ka
1 Ciraaq
2 Soomaaliya
3 Aan waddan cadeeyn ama waxa loo yaqaano (Statslösa)
4 Taayland
5 Boolan
Xilliyadda kala duwan ee dalabka & guud ahaan
2012 39 007 2 403
2013 37 163 2 840
2014 41 601 3 668
2015 48 311 8 816
2016 63 966 20 063
Xigasho: Raadiyo Iswiidhan laanta soomaaliga