Goor caawa aan la xiriirnay Madaxa xabsiga ku yaala Mariefred Mudane Mohamed Gulied, oo ah nin Soomaali ah ayuu nooga waramay xaalada xabsiga iyo warbixino ay qoreen warbaahinta Sweden oo ku saabsan in xabsiga laga xaday alaab muiim ah. Wuxuu inoo sheegay in sida jaraa´idka qaarkood ay qoreen oo warka loo dhigay uusan arrinku ahayn.
Jariidadaha Aftonbladet iyo Ekuriren.se ayaa waxa ay qoreen in Shandada ay ku jiraan alaab muhiim ah oo ay lahaayeen shaqaallaha xabsiga laga xaday xabsiga gudahiisa.
Waxa kale oo uu inoo sheegay Masuulka sare ee Xabsiga Mariefred in tirada Soomaalida. Xabsiga ku jirta ay aad u yar tahay marka loo barbar dhigo dadyowga kale, arrinkaas oo ah mid aad loogu farxo.
Waxaa jira nin Carab ah oo iimaam ka ah magaallada Nyköping kaasoo booqashooyin uga taga dadka Muslimiinta ah ee ku xiran xabsiga. Sheekha ayaa haysta warqado sharci ah oo u sahlaya in uu booqasho ku tago xabsiga islamarkaana caawiya maxaabiista Muslimiinya ah.
Qore: C/caziiz Baliile