Skatteverket oo soo jeedisay joojinta Sharci la xiriira guurka kaasi oo horay loo ogolaa.

0

Waddammada qaarkood oo uu ka jiro xeerka guurka dhowr haween oo ey ka soo jeedaan ajaaniib badan ee dalkan yimaada ayaa ugu wacan iney kor u kaceen diiwan gelinta guurarka ey dhowr qof ku mideey-san yihiin, waxa dalkan looga yaqaanno månggifte. Sidaa daraadeed ayay wakaaladda canshuuraha Skatteverket u soo jeedineeysaa in xeerarka quseeya arrinkaa la adkeeyo maadaama uu dalkan mamnuuc ka yahay in la guursado wax qof ka badan.

Wakaaladda canshuuraha ayaa soo jeedisay in wax laga bedelo xeerarka quseeya si aanay suurtagal u noqon in la ictiraafo xitaa haddii guurkaa lagu galey intii aan Sweden la iman.

Middaasina looga gol leeyahey sidii la isu waafajin lahaa xeerarka dalka u deg-san, sida uu sheegay Tobias Wijk oo u warramayay idaacadda SR, laanta soomaaliga:

-Diiwaan gelin ahaan waa la ogol yahay in qoysaska laba ruux ka badan laga diiwaan-geliyo wakaaladda canshuuraha, halka dhanka kale aaney xeerarka guurka iyo dembiyada ee dalkan u degsani qeexayaan inuu guurka noocaasi mudan yahay ciqaab.

Dalka Sweden ayey ka diiwaan-gashan yihiin 307 ruux oo sida ay wakaaladdu u fahan-san tahay yihiin dadyoow uu ka dhexeeyo xiriir guur oo laba ruux ka badan. Waxaa ku mideey-san tiro isu dhiganta ee rag iyo haween, 152 iyo 155 sida ey u kala horreeyaan, hase yeeshee aaney dadyoowgaasi badankood aaney dalka ku sugneeyn. Tirada guurka dadka badan ee ka diiwaan-gashan isla-markaana ku nool dalka ayaa ah – 38 guur, sida uu sheegay.

Tobias Wijk, oo ka howl-gala wakaaladda canshuuraha ayaa sheegay inay rajadoodu tahay sidii ay dawladdu si degdeg ah uga fal celin lahayd war-bixintooda, isla-markaana baaris degdeg ah looga go’aan gaari lahaa iyo in xerarka la is waafajiyo, hadii kale buuna yiri waxaa lumaya kalsoonida loo hayo diiwaanka wakaaladda iyo in lagu jahwareero sidii laga yeeli lahaa, sida uu sheegay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here