baraha Bulshada qeybaha warbaahinta wadanka Sweden ayaa hadal haya nin xukun lagu riday sanadkii 2017 kaasi oo kufsi geestay.
in ninka uu kufsi geestay isla markana lagu xukumay Xabsi iyo in wadanka laga saaro ayaa aheyd mid caadi ah lakin sheekada ninkan ayaa soo shaacbaxday markii xukunkiisa dib loo eegay.
Maxkmada Malmö ayaa ninkaasi kiiskiisa dib u eegtay waxana ay xukuntay in ninkan uu xirnaa mudo dheer isla markana uu xaq u leeyahay lacag magdhow ah oo ku dhow hal milyan taasi oo gaareysa 840,000 kun.
isagoo 15-16 sano jir ayuu dambiga kufsiga galay waxana mudada uu xirnaa la kordhiyay hal mar kadib go’an kasoo baxay maxkamada xiligaasi.
Sheekada ninkan waxaa hada ka hadlay siyaasiyiinta xisbiyada Dalka Xisbiga M ayaa ka hadlay waxana uu sheegay in qalad tahay in Canshuurta dadka la siiyo qof kufsi geestay.
Xisbiga KD ayaa sidaasi oo kale bartiisa Twitter-ka ku dhaleeceeyay arintan.
Ninkan ayaa kasoo jeeda Dalka Suuriya halkaasi oo la filayay in dib loogu celiyo.