Hogaamiyaasha Xisbiyada ayaa ka qeyb qaatay Dooda Baarlamaanka Sweden iyadoo looga dooday Dhoor Qodob.
Hogaamiyaha Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa Sheegay in Siyaasada Soogalootiga Sweden ay kala dhantaashay Bulshada Sweden.
Waxa uu sheegay in Dowladii hore ay ku fashilantay Siyaasada Soogalootiga taasi oo keentay in ay dhacaan Dilal iyo Rabshado kale.
Isagoo ka hadlay Xalka looga gudbi karo dhibaatada ka taagan Sweden waxa uu sheegay in loo baahanyahay Siyaasad toos ah oo lagu wajaho Soogalootiga.
jimmie åkesson ayaa dhoor jeer goobo Fagaaro ah ka sheegay in Sweden loo baahanyahay inay adkeyso dhanka Sharciyada Qaxootiga
Dowlada Cusub ee Sweden oo garab ka heleysa SD ayaana soo saartay Dhoor Sharci oo adag kuwaasi oo durba saameyn yeeshay.
Wararka kale ee Maanta
AD