Home Wararka Caalamka Silwan Mumika oo Ku Dhawaaqay inuu Joojiyay Quraan Gubista

Silwan Mumika oo Ku Dhawaaqay inuu Joojiyay Quraan Gubista

0
Photo Fredrik Sandberg / TT

Silwan Mumika oo hore uga tirsanaan jiray maleeshiyo Ciraaq ka dhisan ayaa ku dhawaaqay inuu joojinayo gubista Qur’aanka kariimka ah, maalin kadib markii booliska Sweden ay u diideen inuu u ogolaado inuu Qur’aanka ku gubo magaalada Malmö.

Waxa uu ku sheegay wareysi uu siiyay Kvartal, “Amniga shaqsiyeed waxba igama quseeyo, dhiigayga iyo jirkaygana waxaan u hurayaa Sweden.” Laakin waxaan doortay inaan wado kale hadda qaado, waxaanan go’aansaday inaan bedelo xeeladeyda.”

Mumika ayaa tixgeliyay in dawladda Iswiidhan ay lumisay awooddii ay ku lahayd Malmö, iyo in “shareecada ay xukunto” ka dib markii ay booliisku u diideen in ay u ogolaadaan in uu Qur’aanka ku gubo halkaasi.

Mumika ayaa xagaagan magac weyn ku yeeshay dalka Sweden iyo caalamkaba, kadib shirar isdaba joog ah oo uu ku gubayay Qur’aanka kariimka ah oo ka dhacay magaalada Stockholm, iyadoo ay u sii dheertahay kulan kan la mid ah oo ka dhacay magaalada Malmö.

Kulamadan ayaa waxa ay dhaliyeen saameyno siyaasadeed iyo mid amni oo baahsan, taas oo keentay in dowladdu ay bilawdo baaritaan ay wax kaga bedesho sharciga kala dambeynta si looga hortago in Qur’aanka lagu gubo goobaha caamka ah.

Laanta Socdaalka ayaa baaritaan ku furtay guriga uu degan yahay Silwaan ka dib markii lagu ogaaday inuu bixiyay xog been abuur ah xili uu dalbanayay Sharciga Deganaanshaha Sweden

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here