Home Wararka Caalamka Shirkada Tiktok oo joojisay lacagta lagu Caawiyo Silwan Momika

Shirkada Tiktok oo joojisay lacagta lagu Caawiyo Silwan Momika

0

Shabakadda caanka ah ee TikTok, ayaa ku dhawaaqday in la hakiyay muuqaalkii hadiyad-bixinta ee akoonnada Sloan Momica, kaasoo caan noqday xagaagan ka dib markii uu si joogto ah u gubay nuqullo ka mid ah Qur’aanka, taas oo ku reebtay saameyn siyaasadeed iyo mid amni oo Sweden wali la il darantahay.

TikTok ayaa xaqiijisay in ay joojisay suurta galnimada in ay hadiyado siiso Silwaan bayaan ay siisay idaacada Ekot ee dalka Sweden taas oo ka diiday lacag dhan kun ilaa saddex kun oo karoon midkiiba si toos ah u tabin jiray, sida uu horay u sheegay.

Silwaan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay in ay dhammaatay hadyadihii la siiyay, isagoo sheegay in amarkaas uu cadaadis kala kulmay Hay’adda Nabadsugida (Sabo), isla markaana ololaha dhexdiisa looga dan lahaa in la aamusiyo oo laga hor istaago in uu Qur’aanka guban.

Waxa uu soo dhejiyay xiriirinta taageerayaashiisa si ay si toos ah ugu tabarucaan, isaga oo ka baryaya inay caawiyaan si ay u sii wadaan shaqadiisa sida uu u qeexayo.

Madal Shiinaha lagu wadaago muuqaalada gaagaaban ayaa waxaa dhaleeceeyay warbaahinta iyo khubarada Sweden, kuwaas oo ku eedeeyay in ay ka faa’iidaysanayso dhibaatada gubitaanka qur’aanka kariimka ah si ay u soo jiidato daawadayaasha oo ay lacag u ururiyaan.

Xigasho: sverigesradio.se

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here