Home News in English Sharuudaha Dhanka Safarka ee Sweden ka bilowday Maanta

Sharuudaha Dhanka Safarka ee Sweden ka bilowday Maanta

0

Maanta waxaa Dalka Sweden ka bilowday Sharuudo Cusub oo ku aadan dadka safarka ku imaanaya Dalka.

Iswiidhan ayaa dhaqan galisay, laga bilaabo maanta, sharciyo cusub oo lagu xaddidayo caabuqa Corona, kuwaas oo ah shuruudaha ay muujinayaan dadka Safarka ku imaanaya Dalka.

Laga bilaabo maanta, dhammaan dadka safarka ah waxaa laga rabaa inay  keenaan natiijada baaritaanka marka ay imaanayaan Iswiidhan, iyadoo aan loo eegin waddanka ay ka yimaadeen. Tani kuma jiraan dadka iswiidhishka ah ama Deganaanshaha ku heesta Dalka.

Imtixaanada la aqbali karo waa kamid ah PCR ama NAAT, kuwaas oo leeska soo qaaday 48 saac ka hor inta aadan Dalka soo galin Sweden. Shuruuda waxay khusaysaa dadka da’doodu tahay 12 sano ama ka weyn.

Shahaadada imtixaanku waa inay ku jirtaa magaca iyo taariikhda dhalashada qofka, taariikhda iyo wakhtiga la qaaday, nooca tijaabada, natiijada oo Negative ah magaca iyo cinwaanka hay’adda ama shaybaarka sameeyay baaritaanka.

Shahaadada waxaa lagu qori karaa Iswidish, Danish, Norwegian, English ama French.

Maamulka caafimaadka dadweynaha ayaa sidoo kale soo saaray sharciyo cusub oo ku saabsan safarka gaadiidka dadweynaha ee  baska ama  tareennada  masaafo ka badan 150 km. Waxay sheegtay in shirkadaha mas’uulka ka ah ay tahay inay xaqiijiyaan in rakaab kasta uu leeyahay kursi ama meel uu fadhiisto oo u gooni ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here