Dowlada Sweden ayaa ku dhawaaqday in ay adkeeneyso Sharuudaha dadka doonaya inay u dacwoodaan Qoyskooda ku sugan Dalka Dibadiisa marka ay helaan Sharciga Dalka.
Sharciga hore ayaa dhigayay in Qofka uu hoosto mudo 3 Bil ah in uu Qoyskiisa u dacwoon karo iyadoo aan lagu xirin sharuudo dhaqaale lakin sharciga cusub kadib waxaa meesha laga saaray saddexda bil.
Wasiirkada Socdaalka Dowlada Maria Malmer Steinergaard oo dhinac taagan xoghayaha SD ee xisbiga Sverigedemokraterna, Matthias Johansson. ayaa ku dhawaaqay Sharuudaha cusub kadib shir jaraa’id oo ay qabteen,
Dowladda ayaa lagu wadaa in hindise sharciyeedkan cusub ay u gudbiso baarlamaanka Sweden si ay u darsaan, una ansixiyaan, waxana uu dhaqan gali karaa horraanta bisha December ee sanadkan hadii la Ansixiyo.
Hindisaha waxaa ku jira Qodobo kale oo ku aadan laanta socdaalka waxaan idin soo gudbindoonaa marka la ansixiyo isagoo faah-faahsan.
Somaliska Stockholm