Sidii caadada ahayd, maanta oo bishu tahay July 1 waxaa dhaqan-galay sharciyo cusub oo uu ansixiyay baarlamaanka Sweden. Inkastoo sharciyada cusub ee bishaan dhaqan galay ay aad u yaryihiin. Sharciyada cusub ayaa waxaa ka mid ah.
- In lacag la’aan laga dhigay baaritaanka cudurka kansarka naasaha gala. Sharcigaan ayaa ka dhaqan galaya guud ahaan wadanka.
- Waxaa sidoo kale la adkeeyay sharciga tuukada aqoonsiga, qofkii lagu qabto in uu isticmaalay aqoonsi qof kale leeyahay ayaa lagu xukumi doonaa ilaa xabsi gaaraya 2 sano.
- Sidoo aan dhowr jeer soo qornay, 20-ka bisha July waxaa dhaqan gali doona sharciga sida weyn lo cambaareeyay ee qaxootiga, kaasoo qaasatan joojinaya bixinta sharciga rasmiga ah, isla markaana aad u adkeynaya mideynta qoysaska.
- 1-da bisha ogoosto waxaa dhaqan galaya sharci kale, oo ku saabsan in qofkii ka guuraya gurigiisa uu heli doono canshuur celis qarashka ku baxaya geediga.
Wararka kale ee Maanta
AD