Dalka Sweden waxaa iska dhiibay dhalaan kali socod ah kuwaasi oo qaab magangalyo doon ah ku soo gaaray Dalkan dhoor sano kahor.
Dhalaanka is dhiibay waxaa ku jira kuwa kasoo cararay Dalka Somaliya hase yeeshee imaatinka halkaan kadib waxaa dhacay isbadal dhanka sharciga madama diiwaangalinta la sameeyay lagu ogaaday in dad badan iskudhiibeen da.da yar.
Sanadkii 2016 ayuu dhaqan galay sharciga waxaana la marsiiyay dad badan oo isku dhiibay da.da ka yar 16 sano jirka waxaana dadkaasi ku adkaaday sharciga baaritaanka da.da oo ka duwan qaababkii hore.
Tiro caruur ah ayaana sidaasi ku helay diidmo kuwaasi oo Maxkamadaha dalkaan ay qeybta socdaalka ku raaceen go.anka ay horay u gaartay.
Sharciga baarista ayaana loo arkaa kii ugu adkaa ee saameynta ugu badan ku yeeshay dadka Sweden iskaga dhiibay da.da yar si ay ugu helaan ogolaansho sharci.
Qaar kamid ah xisbiyada Dalka Sweden ayaa ku doodaya in la joojiyo baarista dhalaanka iska dhiiba dalka sweden oo aan horay Dalkaan uga jirin.
Hay.ada sweden u qaabilsan dawada iyo sharciga ee Rättsmedicinalverket ayaa dhawaan difaacday go.anka baarista dhalaanka oo aan leesku haleen karin inkastoo hay.ada ay sheegtay in uu yahay mid leesku haleen karo.
Sharciyada saacidi kara dadka isku dhiiba da.da yar.
Dadka iska dhiiba dalka sweden qaabka da.da yar isla markana waxbarashada ka gaara heerka dugsiga sare ee loo yaqaano (gymnasieskola) ayaa loo badinayaa in ay helikaraan sharciga.
Qofka iska dhiiba dalka sweden qaab da.yar ah ayaa xaq u yeelanayaa sharciga hadii uu gaaro qeybta sare ee waxbarashada xataa hadii uu heesto diidmo hase yeeshee sharciga ayaana wali dhaqan galin.
Fakarkagaa hoos noogu reeb