Home Wararka Caalamka Sharciga Deganaanshaha Rasmiga ayaa Dhibaato u horseeday Qaxootiga ‘Wasiirka Socdaalka’

Sharciga Deganaanshaha Rasmiga ayaa Dhibaato u horseeday Qaxootiga ‘Wasiirka Socdaalka’

0
Photo/tt

Wasiirka socdaalka ee Sweden Johan Forschel (Xisbiga Konserfatifka) ayaa si kulul u dhaliilay siyaasadda socdaalka ee lagu ansixiyay shirweynihii xisbiga Miljöpartiet ee dhawaan lagu qabtay magaalada Västerås, iyo dalabka ay ku dalbanayaan in la soo celiyo ogolaanshaha degenaanshaha rasmiga ah ee sharciga aasaasiga ah ee nidaamka magangalyada Sweden.

Wasiirka socdaalka ayaa ku tilmaamay dalabka xisbiga Miljöpartiet inuu yahay mas’uuliyad darro aad u sareysa oo gabi ahaanba khilaafsan siyaasadda adag ee socdaalka.

“Waxay ahayd bixinta sharciga deggenaanshada joogtada ee tooska mid Iswiidhan u horseeday dhibaatada qaxootiga, ku noqoshada taas waxay kordhinaysaa kharashka dawladda tobanaan balaayiin krone,” ayuu ku yidhi qoraal uu soo dhigay barta.

Dowladda hadda jirta ee uu hogaamiyo xisbiga M iyo isbaheysiga Sverigedemokraterna (SD) ayaa tan iyo markii la dhisay 2022 qaadatay siyaasad adag oo dhanka socdaalka ah, taasoo hormuud ka ah isbedelo la taaban karo oo lagu sameeyay sharciyada socdaalka, sida degenaanshaha, dhalashada iyo masaafurinta.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here