Dowlada Sweden ayaa shaacisay Sharci Cusub oo dhigaya in Taayirada Xiliga Jiilaalka ama Qaboohaha ay yeeshaan Calaamada loo yaqaano 3PMSF oo ka kooban Buur iyo Baraf isku dhex jira sida ay sheegtay Waaxda Taraafikada ee transportstyrelsen.
Taayirada leh Calaamadan ayaa muujinaya Taayiro leh Awood Xad-dhaaf ah marka ay timaado xiliga Qaboobaha sida ay Warbixinteeda ku sheegtay Waaxda Taraafikada ee transportstyrelsen.
Sharuudaha Cusub ayaa bilaabanaya 1 December ee Sanadkan Dadka aanan Gawaariada ku xiran Taayirada leh Calaamadan ayaa la kulmi kara Ganaax.
Qofka Gaarigiisa ku xirta Taayirada leh Biraha ee loo yaqaano (dubbdäck) kuwaasi sharcigan ma quseeyo Dadka uu Quseeyo waa Dadka isticmaala (dubbdäcksfri).
Somaliska Stockholm
Wararka kale ee Maanta
AD