Home Wararka Maanta Sharci Cusub oo lagu soo kordhiyay Lacagta Waalidka ee Caruurta laga bilaabo...

Sharci Cusub oo lagu soo kordhiyay Lacagta Waalidka ee Caruurta laga bilaabo 1 Abril

0
Foto: Claudio Bresciani / TT

Laga bilaabo Abriil 1, 2025, Sharciyo cusub ayaa lagu soo kordhiyay lacagta ay qaataan waalidka sida maalmaha fasaxa ah iyo maalmaha ciidaha, Xeerarka cusubi waxa ay ka dhigan yihiin in aanay halidoonin lacagta waalidka xiliyada sabtida iyo Axada iyadoo aanan hal maalin ka qaadan maalmaha shaqada sida jimco ama isniin.

Si aad u hesho lacagta waalidka ee maalmaha shaqada, waa inaad:

  • Qaaddato hal maalin oo shaqo oo toos ah oo lagu daray maalmaha fasaxa ah.

Tusaale: Haddii aad rabto in aad qaadato lacagta waalidka sabtida iyo axada, waxa kale oo aad u baahan tahay in aad qaadato maalin dhan midkood jimcaha ama Isniinta.

Xeerarka cusub ayaa bedelaya kuwa hadda jira, kuwaas oo u oggolaanaya lacagta waalidka heerarka aasaasiga ah iyo kuwa ugu yar maalmaha shaqada iyada oo aan loo baahnayn in lagu xiro maalmaha shaqada. Xeerarkii hore ayaa socon doona ilaa Maarso 31, 2025.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here