Iyada oo ay jiraan khataro amni iyo xiisado siyaasadeed oo sii xoogaysanaya, Sweden iyo Finland waxay soo saareen hagitaan cusub si ay muwaadiniintooda ugu diyaariyaan dhibaatooyinka iman kara, oo ay ku jiraan dagaal, cimilo aad u daran, iyo koronto la’aan.
Labada waddan oo xubno ka ah NATO waxay mudnaanta siinayaan u-diyaargarowga dadweynaha taasoo qayb ka ah dadaalka ballaaran ee lagu xoojinayo amniga gobolka.
Hay’adda gargaarka madaniga ah ee MSB ayaa bilawday in ay qaybiso buuggii u dambeeyay ee u diyaar garowga xasaradaha, “Haddii qalalaase ama dagaal yimaado,” in ka badan shan milyan oo qoys ayaa loo diray.
Buug-yarahan oo ka kooban 32 bog, ayaa markii ugu horreysay la soo bandhigay intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka, waxaana la cusboonaysiiyay si wax looga qabto khataraha xilligan sida weerarrada internetka, argagixisanimada, iyo dhacdooyinka cimilada daran.
Agaasimaha MSB Mikael Frisell ayaa sharaxay muhiimada hindisaha: “Xaaladda amnigu waa mid halis ah, dhammaanteen waxaan u baahanahay inaan xoojino adkeysigeena si aan u wajahno dhibaatooyin kala duwan iyo ugu dambeyntii dagaalka.”