Home Wararka Caalamka Sacuudiga oo Gargaar bini’aadannimo u diray Dalka Ukraine

Sacuudiga oo Gargaar bini’aadannimo u diray Dalka Ukraine

0
Foto: Bernat Armangue / AP / NTB Foto: NTB

Sacuudi Carabiya ayaa u soo dirtay Ukraine gargaar bini’aadannimo qiimihiisu yahay 400 milyan oo doolar isla mar ahaantaana wuxuu soo jeediyay dhexdhexaadinta Ukraine iyo Ruushka.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman, oo ah hogaamiyaha dhabta ah ee dalka, ayaa sheegay Jimcihii mar uu khadka taleefanka kula hadlay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyj in Sacuudi Carabiya ay diyaar u tahay inay bixiso dhammaan caawinta gacan ka geysan karta dejinta dagaalka.

Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in uu diyaar u yahay in uu u dhaqmo sidii dhexdhexaadiyaha dagaalka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Toddobaadkan, Mareykanka ayaa si adag u dhaleeceeyay Sacuudi Carabiya inay gacan ka geysteen kordhinta qiimaha saliidda oo ay sidaas ku caawiyaan Ruushka. Hasa ahaate todobaadkan, Sacuudi Carabiya ayaa u codeysay qaraarka Qaramada Midoobay ee lagu cambaareeyay Ruushka oo ku biiray dhulalka Ukraine ee la haysto.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here