Waxa uu khibrad dheer u leeyahay hawlgallada dagaalka Ruushka ee Suuriya, waxana uu, sida laga soo xigtay ilo reer galbeedka, hubin doona in si fiican la isugu duwo dagaalka Ruushka.
Jeneraalka oo 60-sano jir ah ayaa horay loo guddoonsiiyay billad sharafeed ee Ruushka. Waxa kale oo uu haystaa dhawr darajo oo ciidan ah oo uu ka soo shaqeeyay millatariga tan iyo wakhtiyadii Sofiyeedka.
Sida laga soo xigtay madaxa sirdoonka milatariga ee Ukraine, Krylo Budanov, Dvornikov ayaa loo magacaabaya hogaamiyaha iyadoo ciidamada Ruushka ay dib u abaabulayaan si ay u qaadaan duulaan cusub oo ka dhan ah magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine ee Kharkiv, oo ku taal bariga.
– Qorshuhu waa in marka hore laga hor tago Kharkiv. Qorshahoodu waa in ay qaataan Mariupol ka dibna ay isku dayaan in ay u gudbaan dhinaca Kyiv, ayuu yidhi Budanov.