Mas’uulkan oo habeenimadii Jimcaha warbixin ka siiyay koox saxafiyiin ah oo ku sugan magaalada Warsaw oo la xiriirtay booqashadii madaxweyne Joe Biden ee Poland, ayaa sheegay in Ruushka uu hadda sameeyo illaa 300 oo howlgal ah hawada Ukraine maalin kasta.
Intaa waxaa dheer, Ruushku wuxuu fuliyay 1,250 gantaal tan iyo markii uu billowday duullaanku 30 maalmood ka hor, sida uu u sheegay BBC .
Waxa uu sidoo kale sheegay in dagaalka loogu jiro gacan ku heynta tuulada Makariv ee u dhow Kyiv uu sii socdo, halka ciidamada Ruushka ay ku guuldareysteen inay horumar ka sameeyaan weerarka lagu qaaday magaalada labaad ee ugu weyn dalkaasi ee Kharkiv.
Ciidamada dhulka ee Ruushka ayaa ku hakaday meel 15 kiilo mitir u jirta Mykolaiv halkaas oo ay isku dayayeen inay ku hareereeyaan magaalada, balse waxay horumar ka sameeyeen iyagoo jabiyay difaacyada Ukraine ee Izium waxayna sii wadeen inay u sii gudbaan dhanka koonfureed ee gobolka Donbas, sida uu sheegay sarkaalku.
Horaantii Jimcihii, ilo ka tirsan Pentagon-ka ayaa sheegay in ciidamada Ukraine ay ku guuleysteen inay dib u riixaan ciidamada Ruushka ee Kherson, sidaas darteedna Ruushku uusan hadda si buuxda u maamulin magaalada.