Home Wararka Caalamka Ruushka oo la wareegay dhismaha golaha deegaanka ee Magaalada Kherson

Ruushka oo la wareegay dhismaha golaha deegaanka ee Magaalada Kherson

0
Foto: AP / NTB

Ciidamada Ruushka ayaa dhowr toddobaad oo ay haysteen magaalada Kherson ka dib, waxa ay la wareegeen dhismaha golaha deegaanka oo ay ka xidheen dadka reer Ukraine, sida ay sheegeen laba siyaasi oo deegaanka ah.

Duqa magaalada Kherson Igor Kolykhaev ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in “Niman hubaysan ay galeen dhismaha uu leeyahay golaha deegaanka Kherson habeenimadii isniinta, furahana way qaateen iyagoo ilaaladeenii ku bedeleen ilaaladooda”.

Waxaa jiray warar xan ah oo sheegaya in calanka Ukraine oo ka dul ruxayay dhismaha ay ahayd in la dejiyo, balse duqa magaalada ayaa sheegay in calanka uu weli yaallo markii uu ka baxayay dhismaha, sida ay sheegay CNN .

Ku xigeenka hogaamiyaha gobolka Kherson Yuri Sobolevsky ayaa sidoo kale dhacdadan ku xusay boggiisa Facebook. Halkaa waxa uu ku tilmaamay in ay tahay ” dhibaato” oo uu ku sheegay “wax laga xumaado, laakiin aad loo filayo”.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here