Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa Sabtidii sheegay in hangar ku dhow Chasiv Jar ee Donetsk la burburiyay, isla markaana askar badan oo Ukraine ah lagu dilay weerarka, kaasoo qayb ka ah duullaanka lagu doonayo in lagu qabsado Donetsk.
Mar sii horeysay, Saraakiisha Guud ee Ukraine ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay si weyn u weerarayaan bariga Ukraine.Â
Guddoomiyaha gobolka Luhansk Serhiy Hajdaj ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii ay u joojin lahaayeen kooxaha Ruushka, balse ay dhowr dhinac ka soo weerarayaan, ayna abuureen xaalad dhab ah oo isugu jira gantaallo iyo madaafiic.
Raashiya ayaa sida muuqata qorsheynaya inay weeraraan Slavyansk iyo Kramatorsk duulaanka ay ku doonayaan inay kula wareegaan guud ahaan Donetsk ka dib markii magaaladii ugu dambeysay ee Luhansk, Lysychansk, laga qabsaday todobaadkii hore.