Diyaaradaha Ruushka ayaa xalay duqeymo ka geystay magaalooyin ku yaalla bariga iyo bartamaha dalka Ukraine, sida ay sheegeen saraakiisha Ukraine.
Magaalooyinka Sumy iyo Okhtyrka ee bariga caasimadda Kyiv iyo meel u dhow xuduudka Ruushka, bambooyinka ayaa ku dhacay xaafado la deggan yahay, waxaana la burburiyay warshad koronto, sida uu sheegay hoggaamiyaha gobolka Dmytro Zhivitsky.
Wuxuu sheegay inay jiraan dhimasho iyo dhaawac, balse ma uusan sheegin tiro koob.
Bambaanooyinku waxay sido kale ku dheceen bakhaarada shidaalka ee Zhytomyr iyo magaalada dariska la ah ee Cherniakhiv, ee galbeedka Kyiv, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee AP, halka duqa magaalada Anatol Fedoruk ee deegaanka Kyiv ee Bucha uu ka warbixiyay madaafiic.
– Xataa maydka ma soo ururin karno sababtoo ah duqeymaha hubka culus ma joogsadaan habeen iyo maalin, ayuu yidhi.
Labada Dal ayaa yeeshay wada hadal hordhac ah inkastoo aysan gaarin wax heshiis ah oo Dagaalka lagu joojinayo.