Home Wararka Caalamka Raisul Wasaarihii hore ee Dalka Japan oo la toogtay isagoo Khudbad jeedinaya

Raisul Wasaarihii hore ee Dalka Japan oo la toogtay isagoo Khudbad jeedinaya

0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe , oo 67 jir ah, ayaa maanta la toogtay xilli uu khudbad ka jeedinayay magaalada galbeedka ku taalla ee Nara, waxaana loo qaaday isbitaalka isagoo suuxsan. Dowladda Japan ayaa ku dhawaaqday in gacanta lagu dhigay ninkii toogashada geystay.

Rasaas ayaa la maqlay xilli Abe uu ka jeedinayay khudbad olole meel ka baxsan xarunta tareenada,s ida ay sheegtay warbaahinta Japan ee NHK.

Maamulka ayaa sheegay in ninka weerarka geystay uu toogtay Abe isagoo ku sugan gadaashiisa, isla markaana markiiba gacanta lagu dhigay, iyadoo Ra’iisul Wasaarihii hore loo qaaday isbitaalka isagoo miyir daboolan oo wadnaha istaagay. Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in tuhmanaha toogashada Shinzo Abe, oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada is-difaaca badda, uu u adeegsaday weerarka qoriga macmalka ah.

Ilo-wareedyo ka tirsan booliiska ayaa u sheegay warbaahinta dadweynaha ee NHK in tuhmanuhu uu u muuqday da’da afartameeyo jir.

Warbaahinta Japan ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaare Fumio Kishida uu hakiyay ololihiisa doorashada, uuna ku laabtay Tokyo kadib markii lagu dhawaaqay dhaawaca Abe.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here