Maanta oo Arbaco ay Waxaa bartamaha Caasimada Stockholm lagu gubay Quraanka kariimka kadib markii Dowlada Sweden ay ogolaatay arintaasi oo muran badan ka jiray dhawaanahan.
Raisal Wasaaraha Sweden Ulf Kristersson ayaa ka hadlay dhacdada lagu gubay Quraanka kariimka ee ka dhacday Sweden isagoo ku tilmaamay mid sharci ah.
Waxana uu warbaahinta u sheegay in Quraanka oo la gubo ay tahay wax aan Habooneen lakin ay tahay mid sharci ah.
Salwan Momika ayaa loo ogolaatay inuu Quraanka ku gubo masaajidka Weyn ee Stockholm Moscke dhacdadaasi oo dad badan oo muslimiin ah ka careysiisay Xili Sweden u aragto wax iska caadi ah.
Dalka Turkiga ayaa durba ka hadlay falkaasi isagoo Cambaareeyay in la gubo Quraanka kariimka.
Qorshaha Sweden ee ku biiritaanka NATO ayaa ah mid mugdi sii galaya marka la eego Sida Dowlada u ogolaatay Falkaan.
Somaliska Stockholm