Home Wararka Maanta Raisal Wasaaraha Sweden oo ka hadlay Toogasho ka dhacday Iskuul ku yaalla...

Raisal Wasaaraha Sweden oo ka hadlay Toogasho ka dhacday Iskuul ku yaalla Koonfurta Stockholm

0
Foto: Stefan Jerrevång / TT

Dhacdadii toogashada ahayd ee Arbacadii ka dhacday dugsiga Trongsund ee magaalada Huddinge, taas oo sababtay dhaawaca arday dugsi dhexe ah iyo arday kale oo xabsiga loo taxaabay oo lagu eedeeyay iskuday dil, ayaa waxa si adag uga falceliyay raysalwasaaraha Sweden Ulf Kristjersson iyo wasiirka caddaaladda Gunnar Strömer.

“Toogashada dugsigu maaha wax aan sida caadiga ah ula xiriirno Iswiidhan, laakiin nasiib darro waxaan aragnay tusaaleyaal argagax leh oo dambiyo waaweyn ah oo ay gaysteen dhallinyaro,” Kristjersson ayaa sidaas yidhi.

Kristerson ayaa xaqiijiyay in dowladdu ay arrintan si dhab ah u qaadaneyso, balse wuxuu ku macneeyay inuusan hadda haynin xog badan oo aan ahayn waxa lagu faafiyay warbaahinta.

Wasiirka cadaalada Gunnar Strömer ayaa walaac xoogan ka muujiyay dhacdadan, isagoo u sheegay wakaalada wararka ee Sweden (TT) fariin qoraal ah oo uu soo diray: “Dhacda dambiyada rabshadaha ah ee ka dhaca iskuulka ayaa arinta ka dhigaya mid ka sii daran”. Waxa uu intaasi ku daray in Wasaaradda Cadaaladda ay si joogta ah ula xiriirto Saraakiisha Booliska ee baaritaanka ku haya falkaas

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here