Home Wararka Caalamka Raisal Wasaaraha Faransiiska oo is-Casilay Xili Dhawaan lasoo Magacaabay

Raisal Wasaaraha Faransiiska oo is-Casilay Xili Dhawaan lasoo Magacaabay

0
Photo/ALAIN JOCARD / Reuters / NTB

Raiisel wasaaraha Faransiiska Sébastien Lecornu ayaa warqadiisa istiqaalada u gudbiyay madaxweyne Emmanuel Macron, saacado uun kadib markii lagu dhawaaqay dowladiisa cusub.

Macron ayaa ogolaaday iscasilaada, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee AFP.

Lecornu ayaa Macron u magacaabay ra’iisul wasaare 9-kii Sebtembar ka dib markii ra’iisul wasaarihii hore François Bayrou ay ku qasbanaadeen inuu iscasilo isla usbuuca.

27 maalmood ayaa ah ra’iisul wasaare Faransiis ah oo ugu gaaban abid, sida uu sheegay wargeyska Le Figaro.

Lecornu ayaa mucaaradad xooggan kala kulmay baarlamaanka dalka, waxaana uu waayay aqlabiyadda baarlamaanka, taasoo ka dhigaysa ra’iisul wasaarihii shanaad ee xilka iska casila wax ka yar laba sano.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here