Home Wararka Caalamka Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga oo sheegtay in socdaalka sharci darada ah uu cadow...

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga oo sheegtay in socdaalka sharci darada ah uu cadow ku yahay socdaalka sharciga ah

0

Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa sheegtay in “tahriibka sharci darada ah uu yahay cadowga socdaalka sharciga ah” mar ay khudbad ka jeedineysay Madasha Socdaalka Trans-Mediterranean Migration ee Hotelka Rixos ee Tripoli.

Meloni waxaa ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Midnimada Qaran ee Liibiya, Abdul Hamid Mohammed Dabaiba, intii lagu guda jiray shirkii madasha caalamiga ee socdaalka ee Tripoli.

Meloni waxay ku baaqday in la joojiyo ka ganacsiga dadka… Waxay dhaleeceysay ururada dambiilayaasha ah ee doonaya inay go’aan ka gaaraan cidda xaqa u leh inay soo gasho waddankeena iyo cidda aan soo gelin.

“Ma awoodno inaan u ogolaanno tahriibayaal badan oo sharci inay yimaadaan Talyaaniga sannadihii u dambeeyay sababtoo ah waxaan haysanay kuwo badan oo sharci darro ah,” ayay sharaxday.

Waxay tilmaantay in dowladda Talyaaniga saddexdii sano ee la soo dhaafay ay soo saartay go’aamo lagu ballaarinayo qoondada muhaajiriinta sharciga ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here