Ra’iisul wasaaraha dalka Sweden Magdalena Andersson ayaa booqatay magaalada Botga ee dalka Ukraine , taasi oo ku taal meel ka baxsan caasimadda dalkaasi ee Kiev.
Sidaasi waxaa sheegtay wasaaradda dhaqanka ee Ukraine oo sawiro ku daabacday barteeda Twitter-ka.
Andersson ayaa lagu arkay barta Twitter-ka ee wasaaradda dhaqanka ee Ukraine oo ku dul socda burburka magaalada Botga , oo duqeymo Ruushku geystay waqti ka hor.
Magaaladu waxay deris la tahay caasimadda Ukraine, waxaana tan iyo markii uu dagaalka billowday bishii February ee sannadkii 2022-ka ku hayay weerarro xooggan oo ay geysanayaan ciidammada Ruushka.
Booqashadan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee uu Ra’iisul Wasaaraha ku tago dalkaasi tan iyo markii uu qarxay dagaalka Ruushka iyo Ukraine.