Home Wararka Caalamka Raiisel Wasaaraha Taliyaaniga oo ka digay mowjadaha seddexaad ee Corona iyo xayiraado...

Raiisel Wasaaraha Taliyaaniga oo ka digay mowjadaha seddexaad ee Corona iyo xayiraado dheeri ah

0
Photo/EAP

Dowlada Talyaanigu waxaa qasab ku ah inay soo rogto xayiraad cusub oo la xiriirta xiliga Ciida si looga hortago mowjad seddexaad oo xun oo coronavirus ah.

Tani waa fariintii ka timid Raiisel wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte wareysi uu siiyay wargeyska La Stampa sida ay qortay wakaalada wararka ee Reuters

Xukuumadda wadaagga ah ee Conte waxay hadda ka fikireysaa inay adkeyso xayiraaddaha ka jira guud ahaan dalka xiliga ciida ​​iyo Sannadka Cusub, ka dib markii muwaadiniintu ay ku soo qulquleen magaalooyinka dhammaadkii wiigga.

Talyaanigu wali waa wadanka yurub ee dadka ugu badan ugu dhinteen cudurka coronavirus.

In kabadan 65,000 oo qof ayaa ugu dhintey cudurkaan talyaaniga tan iyo bilowgii cudurka faafa bishii Febraayo.

Raiisel wasaare Conte wuxuu rajaynayaa ilaa 15 milyan oo Talyaani ah in la talaalo si uu saameyn togan ugu yeesho guud ahaan difaaca jirka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here