Wiil Somali ah oo 15 Sano jir ah ayaa Toorey ku dilay Wiil kale oo 17 sano jir ah taasi oo keentay in Dowlada Qubrus ku dhawaaqdo dib u celinta Qaxootiga isla markana tahay xalka kaliya ee jira.
Kadib dagaalo ka dhacay xero lagu qaabilo muhaajiriinta oo ku taal Qubrus Talaadadi iyo arbacadi, wasiirka arimaha gudaha ee dalkaasi ayaa sheegay in dib u celinta ay fure u noqon doonto yareynta ciriiriga.
Nicos Nouris, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Qubrus, ayaa mar kale sheegay in dowladdiisa ay isku dayi doonto inay dib u celiso qof kasta oo soo galooti ah oo la diido codsigiisa magangelyo. Wasiir Nuuris ayaa sheegay in taasi ay fure u noqon doonto in la yareeyo ciriiriga iyo in la yareeyo rabshadaha ka dhaca xarumaha dalka.
Talaadadii iyo arbacadii, February 8 iyo 9, dagaalo xiriir ah ayaa ka dhacay xerada soo dhawaynta ee Pournara oo aan ka fogayn caasimadda Qubrus ee Nicosia. Booliiska Qubrus ee rabshadaha ka hortaga ayaa loo yeeray si ay u soo celiyaan nidaamka.
Nouris waxa uu sidoo kale ku andacoonayaa in mid ka mid ah dhalinyarada uu mindi ugu hanjabay askari bilays ah, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee APÂ .