Home Wararka Caalamka Qoysaska ku nool Xaafadaha Nugul oo loogu baaqay inay ka guuraan, Cilmi-baaris

Qoysaska ku nool Xaafadaha Nugul oo loogu baaqay inay ka guuraan, Cilmi-baaris

0
Foto: Fredrik Sandberg / TT /

Xaafadaha ku dhow dhow magaalooyinka waaweyn ee dalka Sweden, gaar ahaan kuwa lagu tilmaamo kuwa daciifka ah, ayaa waxaa laga dareemayaa sare u kac ku yimid heerka fal-dembiyeedka marka loo eego gobolada kale, taasoo keentay in lagu eedeeyo, xilli ay ku guuldareysteen in ay xaliyaan dowladihii kala dambeeyay.

Cilmi-baaris uu sameeyay Hans Gronkvist, oo ah borofisar cilmiga dhaqaalaha ka dhiga Linnéuniversitetet ee Kalmar, iyo cilmi-baarayaal kale ayaa muujiyay saameynta ay xaaladaha xaafadahaas ku leeyihiin carruurta iyo dhallinyarada, fursadahooda mustaqbalka, iyo faafitaanka dembiyada.

Cilmi-baadhistu waxay muujisay in xaaladaha dhaqan-dhaqaale ee xaafadahaas ay daciif ahaayeen ugu yaraan toban sano, oo aanay arag wax horumar ah.

Waxa uu soo jeediyay tallaabooyin ay mas’uuliyiintu qaadi karaan si ay u badbaadiyaan carruurta, kor loogu qaado fursadaha nolol dhaantadooda, loogana ilaalinayo dembiyada.

Waxaa ka mid ah soo jeedinta, siinta mudnaanta qoysaska meelaha nugul , ee khadadka shirkadaha guryaha, taas oo ka caawisa inay guuraan.

Cilmi-baarayaashu waxay sidoo kale ku baaqeen in la ogaado qoysaska sida aadka ah u baahan, in laga taageero dhaqaale iyo in lagu hago, lana sugo in la dejiyo meelo ka wanaagsan.

Waxay tilmaameen muhiimadda ay leedahay joogitaanka booliiska xilliyada fiidkii iyo habeenkii, si kor loogu qaado ammaanka.

Waxay soo jeediyeen xalal mustaqbalka fog ah, sida u wareejinta adeegyada rasmiga ah iyo danaha xaafadaha, iyo sidii ay u heli lahaayeen fursado shaqo oo wanaagsan dadka deggan.

Cilmi-baarayaashu waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in hab-raacyada loo adeegsado si xaddidan bilowga, iyo in la qiimeeyo natiijooyinkooda xilliyo, ka hor inta aan lagu dabaqin heer dhammaystiran.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here