Hay’adda socdaalka ayaa sheegtay in dadka horay u qaatau lacagta dib u noqoshada ee iskood uga tagay Sweden ay dib u codsan karaan sharciga degenaanshaha sweden.
Hay’ada ayaa xustay in dib loo soo celinayo lacagta uu qofka horay u qaatay taasi oo hada la gaarsiiyay 350,000 oo karoon, aysan saameyn ku yeelanayn habsocodka codsiyada cusub. Wasiirka socdaalka Johan Forschel ayaa arrintan ka hadlay.
laanta socdaalka ayaa ka jawaabtay su’aal uu qof ku soo gudbiyay shabakadeeda, sida lagu sheegay qoraal uu soo dhigay mid u ololeeya kiisastan. Dhaqdhaqaaqa ayaa arrintan si toos ah wax uga weydiiyay Wasiirka Socdaalka.
Wasiirka socdaalka Johan Forschel ayaa ka jawaabay su’aasha, isaga oo sharxay in ay jiraan dhowr habab oo kala duwan oo looga hortagayo musuqmaasuqa gunnada taasi oo keeneysa in qofka uu dib u soo celiyo guud ahaan lacagta uu qaatay.
Sweden ayaa horay u sheegtay in qofka heesta diidmo uu dalban kara lacagta cawin ah hadii uu doonayo inuu dib ugu laabto dalkiisa.