Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhaawacmay toogasho ka dhacday meel u dhow Länsmanstorget ee Hisingen, Göteborg.
Hans-Juergen Ostler, oo ah afhayeenka booliska degmada Galbeedka, ayaa sheegay in dad wejiga soo qarsaday ay goobta ka baxsadeen iyagoo wata mooto.
Ciidamada Booliska iyo Gaadiidka Ambalaasta ayaa goobta ku sugan, iyadoo ay halkaasi ka bilaabatay baadigoob ballaaran oo lagu baadigoobayo raggii falkaasi ka dambeeyay, iyadoo ay ka qayb qaadanayaan 15 ruux oo Boolis ah.
Goobta uu fal-dembiyeedka ka dhacay ayaa la xiray, waxaana booliisku ay isla markiiba aruurinayaan macluumaadka markhaatiga.
“Waxaan ka shaqeyneynaa goobta dambiyada si aan u aruurino cadeymaha iyo macluumaadka ka dibna waxaan sidoo kale xirnay meelo badan oo aagga ah si aan u raadino dembiilayaasha,” Ostler ayaa sidaas yidhi.
Lama oga inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay shilkan.