Nin da’diisa lagu qiyaasay 35 jir ayaa dhintay kadib markii loo geestay toogasho taasi ka dhacday banaanka Sundsvall.
Sida laga soo xigtay booliska, dhacdadan waxay la xiriirtaa “arin fal dambiyeed”.
– Haddii aad wax aragtay ama maqashay, waxaan rabnaa inaad la xiriirto booliska, ayuu yiri Maria LinnĂ©, oo ah xiriiriyaha RLC.
Booliiska ayaa lagu wargaliyay 8-dii fiidnimo in Skönsberg oo ka baxsan bartamaha Sundsvall laga helay qof dhaawac ah. Kadib booliska waxay sheegeen inay ahayd fal dambiyeed rabshado culus oo looga shakiyay.
– Qofka wuu dhaawacmay waxaana loogu qaaday ambalaas isbitaalka, ayay tiri Maria LinnĂ©, oo ah xiriiriyaha RLC, markay ahayd 20.30.
bilaysku ayaa ku dhawaaqay in qofka, oo ah nin da’diisu tahay 35, uu u dhintay. Ehelka ninka ayaa la ogeysiiyey falkaasi.
Somaliska Stockholm
Xigasho/ Aftonpladet