Toogasho ayaa ka dhacday masaajid ku yaalla magaalada Örebro xili laga soo baxay saalada jimcaha
Weerarka toogashada waxaa ku dhintay Nin 25 jir ah kadib markii uu dhaawac kasoo gaaray rasaasta lagu furay goobta.
Wax yar ka hor 1:45 duhurnimo ayaa salaadii jimcaha ee masaajidka Örebro laga soo baxay lakin waxaa xigtay weerarkan oo ahaa mid argagixiso.
Wax yar ka bacdi waxa ay booliisku xaqiijiyeen in ay dhacday toogasho,labo qofna isbitaal loo qaaday.
Nin 25 jir ah ayaa u dhintay dhaawacii soo gaaray, sida ay booliisku sheegeen gelinkii dambe ee jimcaha. Qaraabadiisa ayaana lagu wargaliyay dhimashada.
Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
AD