Home Wararka Caalamka Qaraxyo ayDad Badan ku dhinteen oo ka dhacay Iiraan

Qaraxyo ayDad Badan ku dhinteen oo ka dhacay Iiraan

0

In ka Badan  konton qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen laba qarax oo ka dhacay badhtamaha Iiraan meel u dhow qabriga taliyihii ugu sarreeyay ee Ilaalada Kacaanka.

Laba qarax ayaa dilay in ka badan 83 qof, tiro badana way ku dhaawacmeen xaflad ka dhacday Iran oo lagu xusayay taliyihii ugu sarreeyay ciidamada Iran Qassem Soleimani oo lagu dilay weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka 2020.

Telefishinka qaranka Iran ayaa sheegay in qarax koowaad iyo kan labaad ay dhaceen xilli ay socotay munaasabada sanad guurada dilka taliyaha oo ka dhacday qabuuraha uu ku aasan yahay Soleimani ee ku yaala koonfurta bari ee gobolka Kerman.

“Qaraxyadu waxay ka dhasheen weerarro argagaxiso,” ayay warbaahinta dowladdu ka soo xigatay mas’uul maxalli ah oo ku sugan gobolka Kerman.

Babak Yektaparast, oo ah afhayeenka ciidamada gurmadka degdega ah ee Iran, ayaa la sheegay in markii dambe uu sheegay in 83 qof ay dhinteen, 170 kalena ay ku dhaawacmeen.

TV-ga Qaranka ayaa soo bandhigay samatabbixiyeyaashii Bisha Cas oo ka qayb qaadanayay dad dhaawac ah oo xafladda ku sugnaa, halkaasoo ay isugu soo baxeen boqolaal Iiraaniyiin ah si ay u xusaan sannad-guuradii dhimashada Soleimani. Qaar ka mid ah wakaaladaha wararka Iran ayaa sheegay in tirada dadka dhaawacmay ay intaas ka badan tahay.

“Kooxahayada jawaabta degdega ah waxay daad gureynayaan dadka dhaawacmay… Laakiin waxaa jira mowjado dadweyne ah oo xiray waddooyinka,” Reza Fallah, madaxa bisha cas ee gobolka Kerman ayaa u sheegay TV-ga dowladda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here