Home Wararka Caalamka Qarax ka dhacay Germalka oo Dad ku dhinteen Qaraxa ayaa ka dhacay...

Qarax ka dhacay Germalka oo Dad ku dhinteen Qaraxa ayaa ka dhacay aag shirkadeed

0
Foto: Mirko Wolf/AP

Qarax ayaa ka dhacay magaalada Leverkusen ee dalka Jarmalka saacaddu markay ahayd 09.30 maanta oo salaasa ah

Ugu yaraan laba qof ayaa dhaawac culus soo gaadhay dhowr kalena waa la la’yahay. Shirkadda ayaa ku qortay war-saxaafadeed.

Kooxda dab damisku waxay ku boorrinayaan dadka deegaanka inay guryahooda joogaan oo ay xiraan daaqadaha iyo albaabada.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu dhacay 9.30 maanta oo talaado ah waxaana laga maqlay guud ahaan magaalada Leverkusen oo ay ku nool yihiin 160,000 oo qof.

qiiqa ayaa cirka isku shareeray waxana sii xigay uuro madow ah sida uu sheegay, Daniela Marquardt oo la hadlay raadiyaha Iswiidhen.

Waxa sababay qaraxa hadda ma cadda.

Aaggu waa aag warshadeed oo ay ka shaqeeyaan dhowr shirkado kiimiko ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here