Haddii dagaal dhaco, waxaan aadi doonaa Norway,” waa odhaah uu ku dhawaaqay hoggaamiyaha xisbiga Libaraalka , Nyamko Saboni , taasoo dhalisay dhaleecayn baahsan oo ka timid gudaha iyo dibadda xisbiga. Iyadoo Saboni ay u sheegay Aftonbladet hadal kale oo ku aadan arintan,
“Waxay ahayd kaliya fikrado sheeko qosol leh oo la fahmi waayay (…) waxaan diyaar u ahay inaan difaaco waddankayga, Sweden.”
Saboni ayaa ka soo muuqatay muuqaal YouTube dhamaadkii bishii hore iyadoo oo uu weheliyo gudoomiyaha xisbiga Moderna Ulf Kristerschon waraysi ay siiyeen Svenska Dagbladet kaas oo laga sii daayay kanaalka YouTube-ka ee xorta ah.
Muuqaalka, Saboni waxay uga sheekeyneysay sida ay u dhaqmi doonto haddii dagaal dhaco. Waxay xustay in saaxiibkeed uu qorsheynayay inuu u baxsado Norway, iyadoo raacisay, “Waxaan u maleeyay wax la mid ah. Waxaan ku leenahay Vermland Skillingmark, halkaas oo aan ka heli karno cunto iyo biyo. Haddii ay ka sii darto, waxaanu aadi doonaa Norway.
Haddalka Saboni ee ah inay dalka ka bixi doonto haddii dagaal dhaco, ayaa xiisad badan kicisay. Illo ka tirsan xisbiga Libaraalka ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid qariib ah.
Saboni ayaa sheegtay inay la yaabtay falcelintaas, waxayna sheegtay inay rumeysan tahay in hadalkeeda si qaldan loo fasiray.