Maanta ayay maxkamada Norway bilowday dacwad lagu soo oogay dhaqtar ku taqasusay cudurada haweenka oo lagu eedeeyay inuu kufsaday 87 haween ah xili ay ku jireen baaritaanada caafimaadka.
waana kiiskii ugu balaarnaa ee noociisa ah ee Dalka Norway ka dhacay Baaritaanada lagu sameeyay dhakhtarka ayaa socday muddo labo sano ah iyadoo lagu kordhiyay ilaa 200 oo kiis oo kala duwan, balse xeer ilaalinta ayaa go’aan ku gaartay in la baaro 87 kiis oo kaliya sida uu sheegay TT oo ka soo xigtay NRK
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in dhammaan kiisaska kufsiga ay ku lug lahaayeen haweenka la geliyay meel nugul, halkaas oo aysan awoodin inay isdifaacaan
Dhakhtarka (oo lumiyay liisankiisa caafimaad) ayaa qirtay kaliya seddex kiis
oo kufsi ah.
Somaliska Oslo
Wararka kale ee Maanta
AD