Rajada ayaa ah in marinada ay suurtogal ka dhigi doonaan in laga baxo magaalooyinka la go’doomiyey ee Ukraine.
Ilaa hadda, 1.7 milyan oo qof ayaa u suurtagashay inay ka qaxaan Ukraine. Laakiin qaar kale oo badan ayaa awoodi waayay inay ka baxaan magaalooyinka ay ka dhaceen weerarrada madaafiicda ah ee Ruushka adeegsanayo
Sidii dadkaasi loo caawin lahaa ayaa qeyb ka aheyd ajancaha shirkii saddexaad ee wada xaajoodka ee Ukraine iyo Ruushka ee Belarus ka dhacay Isniintii maanta.
– Waxaa jira horumar yar oo wanaagsan oo ku saabsan hagaajinta ee marinnada bini’aadantinimada, ayuu ku qoray lataliyaha madaxweynaha Ukraine Mykhailo Podoljak dhanka Twitter.
Ruuska ayaa qorsheenaya inuu bilaabo Weerar adag oo uu ku qabsanayo Caasimada Ukraine halkaasi oo Dowlada ku sugantahay.